Ciidamada ammaanka oo fashiliyay Qarax lagu aasay Magaalada Dhuusamareeb

Dhusanareeb (Aragti Cusub):-Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta fashiliyay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la sheegay in la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo.

Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa tilmaamay in qaraxaas miinada ahaa la geliyay Bar koontarool oo ay Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku leeyihin gudaha Magaalada.

Taliye ku xigeenka Saldhigga Magaalada Dhuusamareeb Cabdixakin Cali Shidane ayaa sheegay in laamaha amniga ay ku guuleysteen inay soo saaran miinada oo aan qarxin, isla markaana xusay in la doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Wararkii ugu dambeeyay ee helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Maamulka ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, xili halkaas lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Maamulka Galmudug iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u fashiliyay qaraxyo miino ah oo lagu aasay waddooyin ku yaalla gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Nagala soo xiriir “aragticusub@gmail.com