Nabadoon Caan ah oo u sharraxan Xilka Gudoomiyaha Degmada Shingaani

Nabadoon Kamaal Xaaji Maki Aweys oo ka mid ah Odayaasha Caan ka ah ee laga yaqaano Magaalada Muqdisho gaar’ahaan degmooyinka Xamarweyne Shingaani  CabdiCasiis iyo Boondheere ‘ ayaa u sharrxan Xilka Gudoomiyaha degmada Shingaani.

Nabadoon  Kamaal Xaaji Maki Aweys ayaa Nin Aqoon yahan ah oo wax badan u soo joogay xaalada Magaalada Muqdisho isaga oo gacan ka geystay Xalinta Tabashooyin ay qabeen shacabka  degan degmooyinka Xamarweyne iyo shingaani  .

Musharrax Gudoomiye Nabadoon Kamaal Xaaji Maki Aweys waa Nin  u naxariista Bulshada kana damqada dhibaatooyinka soo wajaha waxaana la sheegay Haddii u uku guuleysto xilka Gudoomiyaha degmada Shingaani uu wax badan ka qaban karo baahida shacabka degmada shingaani iyo in uu ka shaqeeyn karo Hormarka iyo koboca dhaqaalaha degmada Shingaani .

Hase’ahaatee shacabka ku nool degmada Shingaani ee gobolka Banaadir ayaa codsaday in la soo dedejiyo Magacaabista Nabadoon Kamaal Xaaji Maki Aweys  oo u sharraxan Xilka Gudoomiyaha Degmada Shingaani.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com