Raisul wasaarihii hore Norway oo saxaafada ka soo muuqatay iyada oo la ilmeyneysa qalad ninkeeda uu galay.

Oslo:-Ra’iisul wasaarihii hore ee Norwey ahna hogaamiyaha xisbiga Høyre Erna Solberg ayaa warbaahinta kasoo hormuuqatay iyadoo la ilmeyneysa khaladaad uu sameeyay seygeeda intii ay xilka heysay.

Erna oo saxaafadda la hadashay ayaa muujisay kalsooni dari iyo niyad jab weyn oo ay kala kulantay ninkeeda Sindre Finnes oo ka qariyay iibsashada in ka badan 3,600 oo saami intii ay heyd Ra’iisul wasaraha Norwey 2013-2021.

🗣️ Sindre wuxuu sameeyay wax ka badan intii uu ii sheegay aniga iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, xaqiiqdii waxaan ahaa qof aan karti u lahayn in ay ogaato arinkaan arrimo gaar ah oo aan la macaamilayay markii aan ahaa ra’iisul wasaaraha, ayay tiri Solberg:

Solberg ayaa jimcihii hore ka dalbatay ninkeeda in uu dulmar ku sameeyo saamiyadii uu sameeyay mudadii ay ahayd ra’iisul wasaare.

🗣️ Dulmarku waxa uu muujiyay in Sindre uusan daacad ii aheyn markii aan xilka hayay iyo markii aan ka dageyba, sababto ah wuu ogaa in aan loobaahneyn in uu sameeyo arinkaan“

🗣️ Maadaama ay aheyd xog igu cusub, waxaan go’aansaday in aan daacad ka noqdo oo aan toosiyo arintaan fuulxumada ah, tani waa kalsooni jabin xun oo ku adag qoyska iyo guurka“

Waxa ay intaas ku dartay in adkeysiga arintaani ay aad u dhibeyso iyada sidaas darteedna ay kulan ku sababsan jabinta kalsoonida ay la qaadan doonto seygeeda.

Mar ay ka hadleysay in ay sii ahaan doonto iyo in kale hogaamiya xisbiga Høyre oo noqday bishaan, mudo 99 sano kadib xisbiga ugu weyn Norwey kadib doorashada deegaanka, ayay sheegtay in arinkaas uu yahay mid xisbiga u gaar ah.

Dhankiisa Sindre ayaa qirtay in uu ku dhaqaaqay khaladaad waaaweyn.

”Aad baan uga xumahay in aan xaaladdan geliyay Erna. Daacad uma aan sheegin, iyada iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha midna. Aad ayaan uga qoomameynayaa taas, ayuu Sindre Finnes u sheegay E24.

Waxa uu sheegay in uu siiyay saxaafadaba Erna markii ay ka degtay xilka macluumaad khaldan oo ku saabsan saamiyada ganacsiga.

MAXAY ARINTAANI SOOMAALIDU KA BARAN KARAAN?

QORE:Wariye Mohamed Abdi Nahar

Xigasho:- VG