ABDIFATAH MOHAMED ADEN “MIDNIMO” SHAQSI KU DAYASHO MUDAN.

Abdifatah Mohamed Aden “Midnimo” waa shakhsi ku sifoobay wanaag, dad la dhaqan, aqoon-saxaafadeed, geesinimo, dadaal iyo waaya-aragnimo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Norway u horseeday guul wax ku ool ah oo sababtay in lagu abaalmariyo biladda qofka geesiga sanadka 2023, isla markaana Duqa magaalada Oslo Marianne Borgen ay ku cusuuntay aqalka gaduudan ee looga arrimiyo magaalada Oslo oo ah caasimada dalka Norway, isla markaana uga mahadceliso doorka uu bulshada u hayo.

Waxaa sharaf iyo qaddarin noo ah haddii aynu nahay Bahda Aragti cusub Media in aanu qormadan ku maamuusno Geesi, Haldoor, Suxufi, Samafale, Madaale iyo Hal-abuur aad ugu weyn guud ahaan Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka Norway si gaar ahaaneed magaalada Oslo Abdifatah Mohamed Aden “Midnimo”, waxaana rajaynaynaa in aad wax badan ka baran doontaan shaqsiyadda iyo shaqooyinka kala duwan ee uu bulshada Soomaaliyeed u hayo.

Abdifatah Mohamed Aden “Midnimo” waa Aabe leh laba Carruur ah gabar iyo wiil, waxa uu 18-sano ayuu carruur iyo dhalinyaro kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo ay Soomaalida qeyb ka yihiin, caawinaayay, sidoo kale waxa uu bulshada u hayaa shaqooyin kale oo ay ka mid yihiin Tababare kubadeed, mar waa Garsoore, waa Macalin bare ah, waa suxufi ka howlgala Radio voice of Oslo, waana shaqsi bulshada Soomaaliyeed kaalin muhiim ah oo ay adag tahay in la qabto ugu jira marka loo eego shaqooyinka iskaa wax u qabsada ah ee aan kor kusoo sheegay oo uu sida maalin laha ah u hayo, waana sababta aanu shaki inooga jirin inuu yahay haldoor kudayasho mudan.

Sterling SK oo uu muddo dheer si iskaa wax u qabso ah uu ugu shaqeynayay ayaa sidoo kale guddoonsiisay bilad sharaf uu ku muteystay waxqabadka madaalanimada iyo holkarnimadiisa iskaa wax u qabsada ah ee uu bulshada u hayo.

Abdifatah Mohamed Aden “Midnimo”  wuxuu ka mid yahay inta yar ee awooda u leh iyagoo xirfadooda warbaahineed kugu faa’iideynaya inuu haddana kugu soo tabiyo si macaan oo kaftan iyo maad lagu khafiifiyey leh, marka uu hadlayo iyo marka uu qalinka qaataba, sidoo kale marka aad aqrinayso qoraaladiisa iska soo daba burqanaya iyo soo gudbinta toosan dhacdooyinka iska soo daba dhaca ee ka dhaca guud ahaan dalka Norway, waxaad qiraysaa madaalanimadiisa iyo codkarnimadiisa.

Midnimo wuxuu alle ku maneestay in uu aqoon dheer u yeesho afka Norwegian-ka wixii lagu qorayana dhuuxo kuna soo turjumo afkiisa hooyo ee Soomaaliga si fududna uga baahi tiro Soomaalida kale ee la socota bartiisa facebook iyo warbaahinta Radio voice of Oslo oo uu muddo sanoooyin badan ka howlgalo.

Sidoo kale Midnimo wuxuu caawiyaa Dadka waawayn Maalin kasto iyagoo Shaah iyo sheeko u yimaado goobta Guriga Mangfoldhuset oo ku taalo Xaafadda Mortensrud ee Magaalada Oslo Maanta oo aan kugu bogaadinayo shaqooyinka iyo abaalmarinta lagu guddoonsiiyey taas oo ah mid guud ahaan Soomaalida Norway taariikh iyo guul wadareed u ah.

Qalinka: Bile Mohamed Abdi (Bile-Baastey).