Xog ku saabsan wadahadalada Dawlada Federaalka iyo Soomaaliland

Warar ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Dawlada Federaalka  Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu kulan kula qaadan doono dalka Jabuuti madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararka ay  sheegayaan in uu Maalinta Isniinta ee soo socota Kulan aan horay loo shaacin kula  yeelan doono  wadanka  Jabuuti Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Oo la sheegay inay weheliyaan madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Wararka kasoo baxay sidoo kale sheegaya in kulanka uu ka  qaybgelayo Ra,iisal wasaaraha itoobiya  Abiy Axmed, oo horay Labada dhinac ugu kulan siiyey caasimada wadanka Itoobiya ee Adis Ababa