Madaxweyne Waare oo xilkii ka qaaday Wasiiro ka Tirsan Hir shabeele kuwo kalena magacaabay

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in uu Xilalkii Ka qaaday Wasiir ku xigeenka Amniga Geelle isaaq Warsame Iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle Luqmaan Haji Baarqab.

Madaxweyne Waare  ayaa sidoo kale Wasiir ku xigeenka Amniga Hirshabeelle u magacaabay Xasan Maxamed Cilmi halka uu wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada u magacaabay  Yuusuf Sheikh Xasan Macallin.

Wasiir kuxigeenkii hore ee Amniga maamul Goboleedka Hir-Shabelele Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa shalay isna sheegay in in uu iska casilay xilkaasi.

Wasiir Geele Isaaq oo Warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa iscilaaddiisa ku sababeeyay kadib markii sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan uu joojiyey banaabax lagu taageerayey dowladda Soomaaliya lana rasaaseeyay isaga iyo dadkii dibad baxa dhigayay