Dhageyso: Boqor Maxamed Jaamac oo diray Hambalyo la xiriirta Munaasabadda 18ka May

Boqor  Maxamed  Jaamac Suldaan Cumar oo ayaa Hambalyo u diray Dhammaan shacabka iyo Siyaasiyinta Soomaaliland eek u aadan Munaasabadda 18ka May oo maanta laga xusay  guud ahaan degaannada Soomaliland .

Boqor Maxamed Jaamac  ayaa sheegay 32 guuradii ka soo wareegatay Markii Soomaalilnd ay ka go’aday Soomaaliya inteeda kale ay muhiimad gaar ah ugu Fadhiso shacabka Soomaaliland.

Sidoo kale , Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar ayaa Rajo ka muujiyay in ay dhammaan doonto colaadda ka jirta gobolka Sool,  Umadda Soomaalilana ay  wax wada qabsan doonaan.

Ugu dambeeyntii’ Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar oo ka hadlayay Midnimd Soomaaliland iyo Soomaaliya ay ku xiran tahay hadba sida ay lagu sii socod siiyo wada hadalada labad dhinac ka dhexeya laga heshiin doono wixii dhacay.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Waraysiga  Boqor Maxamed Jaamac: