Norway oo si weyn looga xusay 1-da luulyo+ Sawiro

Oslo (Aragti Cusub) Iyadoo ay maanta ku beegneed 1-da Luulyo  xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegatay markii ay ka xuroobeen  gobolada Koofurta gumeeystihii Talyaaniga iyo israacii midowga labada gobol ee koofur iyo waqooyi  ayaa magaalada Oslo oo ah Caasimada Wadanka Norway waxaa isugu soo baxay dad aad u fara badand ku waasoo si aad ah u weyneynayay xuska maalintii Calan Soomaaliyeed uu kaba-baday dunida guudkeeda.
Dad aad u farabadan oo is kaga kala yimid Xafadaha ay ka koobantahay magaalada Oslo iyo deeganada u dhaw-dhaw ayaa maanta isugu soo baxay barxada ween ee xaafada Grønland ee magalaada Oslo maalinta 1-da Luulyo oo  ku ween quluubta Ummada Somaaliyeed.
Dadkii ka soo qeyb-galay munaasabada 1-da Luulyo oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad aad u weyn waxa ay  ku labisnaayeen calanka buluuga ah ee astaanta u ah jiritaanka Ummada Soomaaliyeed.
Goobta ay xaflada ka dheceeysay waxaa laga daaray heeso wadani ah waxaana dadka lagooga sheekeeyay taariikh-da maanta oo kale waxa ay kaga dhigan tahay qofka Soomaaliga iyo da’daalkii ay ku timid in maanta la xuso 1-luulyo.
Ugu danbeenti dadkii isugu yimid goobta ayaa ka warbixiyay dareenkooda maanta iyagoona ugu hambalyeeyay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan munaasabada 1-da Luulyo waxay ugu baaqeen in ay gacmaha is qabsadaan oo aysan u kala harin maal-maha xuriyada.

DAAWO SAWIRADA:-

W/Q:- Wariye Salad Hussein Mohamud (Dacad)

Xafiiska Wararka Oslo
Info @aragticusub.com