Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulamo ka wada Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay War kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo Amiirka Waddanka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bini Sayed Al-nahyan iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

Dhinaca kale Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada ee Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabdullaahi Carab oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay kulamo doceedyo la qaadan doonaan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyaga oo kala hadli doona Arrimo kusaabsan Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaan wax xiriir ah laheyn tan iyo Sanadkii 2018-kii, waxuuna dib u soo laabtay markii 7-dii  bishaan Janaayo uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay Ra’iisul Wasaaraha dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.