Madaxweyne shariif sheekh Axmed oo saxiixay buugga Tacsida Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xsibiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa u Tacsiyadeeyay qoysaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo Halgamaagii Soomaaliyeed Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo ku geeriyooday magaalada London.

Madaxweyne Shariifsheekh Axmed  ayaa saxiixay buugga tacsida isagoo u duceeyey wuxuuna ka sheekeeyey doorkii ay ku lahaayeen u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif in Nuur Cadde uu ahaa qof aan marna ka daalin in Qaranka soomaaliyeed uu ku biiriyo taladiisa wanaagsan,sidoo kale Sheekh Shariif ayaa u Tacsiyaydeeyay Qoyska halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed weli looga baaha yahay inay sii wadaan halgankii wanaagsanaa ee lagu baadi goobayey Qaranimo Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com