Kooxo hubeysan oo dhaqtar Caan ah ku dilay suuqa 2-baad Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho ku dilay Dhaqtar Lagu Magacaabo Xasan xaayoow oo si weyn looga yaqaanay Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay  Degmada yaaqshiid gaar ahaan Suuq bacaad.

Waxaa uu ahaa dhaqtar daaweyn jiray  Shubanka, islamarkaana Waxaa lagu dilay xarun caafimaad uu ku lahaa halkaasi.

Kooxda dishay dhaqtarka ayaa la sheegay in ay ku hubeysanaayeen dharka Ciidanka dowladda,islamarkaana ay wateen Qoryaha AK47.

Ciidanka Ammaanka ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka dhaqtarka oo ay u qaadeen xarunta CID.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com