Dr. Cali Cabdi Baab oo Fariin qoraal ah u diray Madaxweyne Xasan sheekh

Somali Civil Rights Activist.
Hassan Sheikh Mohamud shalay waxaad laheeyd iyadoo qofka sharciga loogu yeeri karo sax ma ahan in la Weeraro , maxaa maanta Muqdishow ka dhacay……?!
Qof maxsuum ah ma jiro oo aan #Danbi ka dhici Karin waa hadiiba uu #Dambi galay #laakiin qaabka loola dhaqmay #Janaraal Sheegoow ma eheeyn qaab dowladnimo iyo bani-aadiminimo ah sida loola dhaqmay sax ma ahan #Qof Masuul soo noqday iyo #Qof kasta oo muwaadin ahba iyadoo Dowlada ay Awoodi karto ineey dacwad kusoo oogto oo maxkad loogu waco (warranty)loo geeyo in #Awoodo ciidan aan labisneeyn iyo kuwa labisan oo hubkooda wata oo aan u dhaqmeeynin ee aad moodid #Askar maroodi iyo #Ciyaal-weero waliba kasii daran #Ereyadii ay lahaayeen #Saaxiibkeey hebal ayuu dilay #Shuute haloo geeyo intaas iyo in kaloo badan marka la isu geeyo #waxeey ka hor imaaneeysaa Diinta Islaamka ,Dhaqanka suuban, shuraacda caalamka ee #Dagaalada iyo Xuquuqda-aadanaha
Waxa dhacay waxeey u egtahay yaa naga Awood badan iyo ficilkii Reer Caad
#yaa naga Awood badan #Reer Caad ayaa lagu Halaagay
فأما عاد فاستكبروا في الأرض بغير الحق وقالوا من أشد منا قوة أو لم يروا أن الله الذي خلقهم هو أشد منهم قوة وكانوا بآياتنا يجحدون ﴾
#waxaa isweeydiin mudan #Hassan Sheikh Mohamud Adigaa dalacsiiyay Sheegoow 01/September 2016
#Taariikhda galka dacwada eedeeynta General Sheegoow, ma waxeey ka soo bilaabaneeysaa #sanadkii 2021 maalintii uu joogay #Xaruuntaadii mucaaradka murashixiinta ee #Miranaayo iyo Shiirkole ee uu ka bilaabay inuu Dowladii waqtigaasi jirtay uu la dagaalay, isaga oo kugu saf ahaa mise waxeey ka bilaabaneysaa markii uu la dagaalay dowladaada hadda jirta maalintii uu la dagaalay 18/08/2023 ee unukaa leh #Hiraab oo kaliyaa leh ?

Qalinkii Ali Abdi Baab

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com