Soomaaliya oo Mamnuucday Isticmaalka Tiktok 1xbet & Telegram

Wasiirka isgaarsiinta iyo teknooljiyada xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee ay dowladdu u xirayso isticmaalka baraha bulshada, sida Tiktok, 1xbet iyo Telegram.

Wasiirka isgaarsiinta ayaa sheegay Dowladda inay dhibaato weyn ku qabtay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuua si gaar ah farta ugu fiiqay shabakada 1xbet oo ah shabakad caan ku ah lacagaha qamaarka lagu cayaaro.

Wasiirka wuxuu sheegay in askarta dowladda ay gaarsiisay heer ay hubkooda iibiyaan si qamaarka ugu cayaaraan.

Wasiirku wuxuu sheegay in si qaldan looga faaidaystay isticmaalka baraha bulshada. Wuxuu sheegay dowladdu in aysan hadda ka gaarin go’aan kama dambays ah, balse ay hakisay, si loo yareeyo waxyeelada ay Dowladda iyo bulshada ku hayaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com