KOOBKA CIYAARAHA EE VESTLAND INTERNASJONAL FOTBALL OO LAGU SOO GABAGABEEYEY BERGEN.

Sida caadada ahayd waxaa magaalada Bergen ee dalka Norway sanad waliba bisha Augsto bilowgeeda lagu qabtaa koobka Ciyaaraha ee Vestland Internasjonal fotballturnering kaasi oo ay isku arkaan kooxo kala matala dalal kala duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Koobkan ciyaaraha VESTLAND INTERNASJONAL FOTBALLTURNERING oo lagu qabtay magaalada Bergen waxaa sanadkan ka qeyb galay 10-kooxood oo kala matalayay wadamo kala duwan, waana tartan loogu talagalay mid is dhexgal bulshooyinka kala duwan ee ku nool magaalada Bergen ee dalka Norway.

Ciyaartoyda matalayay Soomaaliya sanadkan waxay u badnaayeen dhalinyaro da’yar kuwaas oo loo soo xulay inay Soomaaliya sanadkan koobka ku matalaan, halka ay ka garab ciyaarayeen ciyaartoy kale oo hore Soomaaliya ugu soo ciyaaray tarmatamadii hore loo qabtay iyo qaar aan Soomaali ahayn hase yeeshee xirtay garanka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkaan ayaa noqday mid ka duwan sanadihii hore ee soo maray ciyaaraha kubada cagta magaalada Bergen, iyadoona had iyo jeer ay kasoo qeyb galayeen taageerayaal u badnaa Soomaali, halka ciyaartoyda Soomaaliya matalayay ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurxoon intii uu tartanka socday.

Soomaaliya oo gashay qaanada Group=B isla markaana ay ku wada jireen kooxo matalayay wadamada Syria, Sri Lank, Liberia, Eritrea ayay dhammaantood kawada guuleysteen isla markaana ka aruursatay 15-dhibcood heerka Group-yada.

Wiilasha Soomaaliya matalayay oo sanadkan niyad wanaag ku ciyaarayay kadib taageero balaaran oo ay ka heleen Guddoomiyaha Sportiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Faturad Abdirahman  oo dharkii ay ku ciyaarayeen iyo taageero kale oo dhaqaale ugu deeqay tartanka ayaa heerka sideed dhammaadka Somalia 3-1 kaga soo faraxalatay Noreplay oo qaanada Group=A ka soo baxday, halka ay afar dhammaadka Somalia 5-1 Kurdistan ku xasuuqeen.

Ciyaartii kama dambeesta ee Finalka ayay iska horyimaadeen Soomaaliya koox ku ciyaaraysay FK Brødrene oo ahaa ciyaartooy ka kala yimid dalal kala duwan kuwaas oo Group-ka A kasoo baxay, iyadoo ciyaartaas kama dambeysta wiilasha Soomaaliya ay soo bandhigeen ciyaar ay u riyaaqeen taageerayaashii soo xaadirtay garoonka kubada Cagta Møhlenpris oo sanad waliba marti gelisa koobkan.

Laba gool ay ku hormareen Ciyaartoyda Soomaaliya isla markaana uu u dhaliyey Rooble Cumar oo ku guuleystay xidigii ugu fiicnaa intii uu tartankan socday ayay wiilasha Soomaaliya ka caawin weysay inay koobka hantiyaan, waxaana ka daba yimid wiilasha FK Brødrene oo ugu danbeen hogaanka ku qabtay 4-2, taas oo soo gabagabeysay rajadii hanashada koobkan oo ay sanadkan u qalmeen Soomaaliya.

Kooban oo ah mid aad u xiiso badan ayaa sanad waliba waxaa marti gelisa Ururka Vestland Innvandrerråd, iyadoo wiilasha Soomaaliya ay horay tartankan ugu soo guuleesteen 4-jeer, waana dalka ugu badan oo ku guuleesta koobkaan tan iyo xiligii uu soo bilowday qabashadiisa.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa u mahadcelisay Sultan Mohamed Awil oo ka mid ahaa ciyaaryahanada, Tababare Ahmed Key, Najiib oo ahaa tababare ku xigeen, Osman Sheekh Ali oo ah qabiir dhinaca ciyaaraha oo talooyin la mahdiyey siinayay tababarayaasha iyo Kabtanka wiilasha Soomaaliya Hassan Osman.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADDA: