Dhageyso: Xildhibaan Cismaan Buule oo Eedeeyn Kulul U jeediyay Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Madaxweyne Lafta gareen

Xildhibaan Cismaan Buule Macalin oo ka Tirsan Baarlamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay  hab dhaqanka Siyaasadeed  Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen

Xildhiban Cismaan Buule ayaa ku Eedeeyay Madaxweyne Lafta gareen in uu yahay Nin kaligii Talis ah oo caburin ku haaya siyaasiyiinta  & shacabka Koofur galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday Heshiskii Magaalada Baydhabo ay ku kala saxiixdeen Siyaasiyinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Lafta gareen Waxaa ka dhaqan galay’  isaga oo sheegay in kaliya isu socod siyaasiyiinta degaanada KGS uu dhaqan geliyay balse qodobadii kale  ee lagu Heshiiyay uusan illaa hadda uusan wax ba ka qaban dhaqan galkooda.

Xildhibaan Cismaan Buule ayaa sidooo kale Eedeeyay Gudoomiyaha Golaha shacacbka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe kuna Eedeeyay in uu isaaga hortaagan yahay Madaxweyne Lafta gareen haddii layska qaban lahaa waa sida uu hadalka u dhigayee’’.

Halkan Hoose ka Dhageyso qaybta koowaad Waraysiga Xildhibaan Cismaan Buule Macalin:

Dhinaca kale ‘ Xildhibaan Cismaan Buule Macalin ayaa ka war bixiyay khilaaf ka dhashay isbedel lagu sameeyay Taliska Qaybta 60aad  Guutada 8aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka Hawlgala khilaaf ka dhashay waxaana uu ku Eedeeyay Madaxweyne Lafta gareen in uu diidan yahay isbedelkaas.

Qaybta 2aad Waraysiga Xildhibaan Buule halkaan ka dhageyso: