Madasha Xisbiyada Qaran oo Eedeeysay Dawlada Itoobiya

War Qoraal ah oo Madashu soo saartay ayay kaga mahad celisay in la caddeeyey tirada dhabta ah ee ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ciidankaas oo tiradiisu tahay 19,626 askari kuwaas oo sharciyad u haysta in ay Soomaaliya ka hawlgalaan

Madasha waxay sidoo kale soo dhowaysya Qaraarkii 13 May ka soo baxay shirki Golaha Qaramada Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya kaas oo ku baaqay in Soomaaliya laga saaro ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM.

Sidoo kale Madashu waxay Dowladda Itoobiya  ku eedaysay in ay fara-gelin qaawan ku hayso Arrimaha Soomaaliya taasi oo xad-gudub ku ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Dalka.