Madaafiic xalay lagu Tuuray Fariisinka ciidanka Amisom B/weyne

Madaafiic culus ayaa xalay  lagu  weeraray  magaalada baladweyne ee gobolka hiiraan

Dhowr hoobiye ayaa la sheegay inay ku  dhaceen xaafadaha buundweyn iyo Howl Wadaag waxaana hoobiyeyaashaas lix kamid ay ku dhaceen xaafada Howl Wadaag halka sadax kalana la sheegay in lagu tuuray xaafada buundweyn

Hoobiya yaasha ayaa intooda badan lagu garaacay xerada ciidamada Jabuuti oo ka Tirsan  amisom ee ku Taala duleedka Magaalada Baladweyne aydoo amisom ay dhankood ay ka jawaabeen Madaafiicdaasi lagu weeraray

ma jirto wali wax khasaara ah oo laga soo sheegayao goobaha ay hoobiyaashan ku soo dhaceen

Dadka ka Agdhaw goobaha madaafiicada lagu Tuuray ayaa cabsi xoogan ka muujiyay madaafiicdaasi ayadoo xili habeen ah ay hoobiyeyaasha soo dhaceen oo dadka ay huradad ka soo tooseen.