Xog: Deni iyo Qoor Qoor oo Kulan Gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho

Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo Isla wada-shaqaynta labada dhinac gaar ahaanna Arrimaha Amniga.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Deni iyo Qoor Qoor ay Kulankooda ku xalliyeen mad-madow ka dhashay Shirkii Dhuusamareeb 3 kaas oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay isaga cudur-daareen ismaan-dhaaf shakhsiyeed oo dhexmaray xilli uu Qoor Qoor doonayay in uu Deni ku qanciyo ka qayb-galka Shirkii Dhuusamareeb 3 balse aysan suurta-gelin.

Sidoo kale waxay isku afgarteen in Arrimaha Siyaasadeed ee ka aloosan Muqdisho iyo Marxaladda kala guurka ah aysan saamayn ku yeelan xiriirka iyo iskaashiga labada Maamul ee deriska ah.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com