Madaxda maamulada Puntland iyo Jubland oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha puntland  , Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, oo goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa haatan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula shirsan Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashada la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo, kaas oo lagu turxaan-bixinayo Heshiiskii Dhuusamareeb3.

Puntland iyo Jubaland ayaanan ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn Heshiiskii lagu gaaray Shirkaas.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com