Wararkii Ugu Dambeeyay shirarka ka socda Magaalada Muqdisho iyo Xog ku saabsan kulan gaar ah oo muqdisho ay ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxda Maamulada  Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed , ayaa Wararka ay sheegayaan in ay ku soo wajahan yihiin  Magaalada Muqdisho, oo uu ka furmi doono Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Xarunta Madaxtooyada villa Soomaaliya ee Muqdisho, waxa  kulan gaar ah ku maanta yeelanaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubaland, waxaana Kulanka looga hadlaya Xallinta iyo Turxaan-bixinta Tabashada Labada Maamul ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada.

Shir gaar ah oo u dhexeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubland ayaa la filayaa in soo kale maanta uu ka dhacayo Magaalada Muqdisho lama Ujeedka Rasmiga ah ee shirkaasi balse warar ayaa sheegaya in looga doorashada 2020 iyo 2021

Ajandaha  Shirka ayaa noqon doona Turxaan-bixinta iyo Xoojinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashooyinka Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com