Puntland oo Hakisay shaqada shirkadaha Xajka iyo Cumrada

Muqdisho : Qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland  Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa lagu hakiyay shaqada dhammaan Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Puntland, inta laga hubinayo habsami-u-socodka Shaqadooda.

Wasiirka ayaa ku amray Shirkadaasi, in ay mudda 7 cisha gudahooda oo ka bilaabata maanta, ay ku yimaadan xarunta Wasaaradda, si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono shirkaddii u hoggaansami wayda amarkaasi.