Sacuudiga oo Cafiyay kharash Duulimaad oo lagu lahaa Dad Ajnabi ah oo Soomaali ay ku jiraan

Muqdisho :  Dowladda Sacuudiga waxay shalay soo saartay Go’aan Degdeg ah oo Tas-hiilaad iyo Fududeyn lagu siinayo Muwaadiniinta Shan Waddan oo ay Soomaalida ku jirto ee Sharci La’aanta uga shaqeysta dalkaasi, si ay dib ugu laabtaan dalalkooda hooyo.

Shabakadda Wararka Sacuudiga ee Baladanaa Alyoom oo lagu soo daabacay Go’aanka Cusub ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in laga bilaabo shalay oo ay taariikhdu ahayd 17-ka Feberaayo la soo saaray Cafis loo fidiyey Muwaadiniin ka soo kala jeeda 5 Waddan.

Sarkaal Sacuudiyaan oo la soo xigtay ayaa sheegay in Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Ethiopia, Eritrea, Nigeria iyo Chad ee sharci-darrada ku jooga Sacuudiga laga cafinayo dembiyada dhinaca Safarka iyo qaladaadka dhinaca Taraafikadda Waddooyinka, si ay  dib ugu laabtaan dalalkooda hooyo.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay muddo 3 bilood u qabatay inay Muwaadiniinta shantaasi Waddan ee aan sharciga lahayn inay ka faa’ideystaan Cafiskaasi, iyadoo Taabagelinta Go’aankaasi ka bilaaban doono magaalladda barakaysan ee Maka Al-mukarama, kadibna lagu ballaarin doono Goballadda kale ee dalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga ayaa soo saari doonta dhamaan Dukumentiyadda, Tikidhada Diyaaradaha iyo Waraaqaha Dhalashadda, si ay Muwaadiniinta shanta Waddan ee sharci la’aanta ku joogta dalkaasi loogu fududeyn lahaa inay sida ugu dhaqsaha badan dib ugu laabtaan dalalkooda hooyo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa la filayaa inay maalin kasta ugu yaraan 200 oo Dukumentiyadda Socdaalka ka soo saaraan Gobalka Maka Al-mukarama iyo ugu yaraan 400 oo kale oo laga soo soo saari doono Goballadda kale ee dalkaasi.

Ugu dambeyntii, Dowladda Sacuudiga waxay ka digtay haddii dadkaasi loo fududeynayo inay dalalkooda ku laabtaan ay mar kale u soo dhoofaan Sacuudiga inuu waajib ku noqon doono inay bixiyaan dhamaan Kharajkii horey loogu bixiyey dib-u-celintooda, iyadoo dhaqdhaqaaqooda lagala soconayo Xarunta Qaranka ee bixisa Taageeradda Farsamadda ee Baasaboorada iyo Diiwaan gelinta Qurba-joogta ku xadgudubta Nidaamka Socdaalka ee Sacuudiga.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com