Hogaamiyaha Sare ee Xuutiyiinta Yaman Cabdimalik Badrudiin Alxuuthi oo usoo jawaabay Sucuudiga

Hogaamiyaha Sare ee Xuutiyiinta Yaman Cabdimalik Badrudiin Alxuuthi oo usoo jawaabay Sucuudiga ayaa si aad ah iskaga fogeeyay inay Ansar-Allah Alxuuti weerareen Makka, isaga ka hadlaya taasi ayaa wuxuu yidhi.

“Waxaan nahay dadka ugu taxaddarka badan ilaalinta goobaha barakeysan ee islaamka, Makka iyo goobaha barakeysanba waxaan uhureynaa Naftayada, hantideenna iyo wax kasta oo aan haysanno.”

Hogaamiyaha oo ka hadlay weerarada ay kageystaan gudaha Sucuudiga iyo meelaha ay beegsadaan iyo ujeeddooyinkooda ayaa yidhi.

“Anagu bartilmaameedkeenu waa goobaha Saldhigyada milatari iyo ilaha dhaqaalaha ee Sucuudiga waayo Dagaalka gardarada ah ee ay dalkeenna kusoo qaadeen waxaay kumaalgaliyaan Shidaalka oo ah ishooda dhaqaale.”

Cabdimalik Badrudiin Alxuuthi wuxuu sheegay inay marna beegsan doonin goobaha cibaadada iyo goobaha barakeysan sidoo kale wuxuu sheegay in anay taarget gareysanayn shacabka.
Cabdimalik wuxuu ku celceliyay inay beegsanayaan Saldhigyada ciidamada iyo ilaha dhaqaalaha Sucuudiga oo intaas wax ka baxsan anay marna usocon.

Tani ayaa waxaay meesha kasaareysaa sheegashadii Sucuudiga ee ahayd in la weeraray Makka taas oo umuuqata mid kicin ah misana ay doonayaan inay kiciyaan dareenka muslimiinta.