Wasiiro Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowladda Oo U Ambabaxay Baydhabo

Baydhabo : Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Goordhow u ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur galbeed.

Wafdigaan ayaa isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, isla markaana kasoo jeeda deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyagoona kasoo horjeestay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Warar Idaacada Dalsan ee Muqdisho ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in wafdigaa ay kulan la qaadan doonaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Sidoo kale Wafdiga ka socda dowladda ayaa Madaxweyne lafta-gateen kala hadli doona tabasho la xiriirta Liiska Xildhibaanada Cusub ee Koonfur Galbeed ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Wasiirada iyo Xildhibaanadan ayaa habeen hore kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyagoona kasoo horjeestay habka loo maray soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com