Wasiir ka Tirsan maamulka Hirshabeele oo xalay lagu dilay Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa xalay  lagu dilay xildhibaan ahaana wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeele

Xildhibaan Cabdulqadir Abuukar Maxamed Karaani oo todobaadkii hore madaxweyne Waare u magacaabay wasiirka beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa koox hubaysan ku dishay xaafadda Kulmis ee magaalada Jowhar.

Dableydii  dilka geysatay ayaa la sheegay inay baxsadeen, inkastoo uusan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka gobolka shabeelaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ee ku aadan dilka masuulkaasi

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka tacsiyeeyay dilka xildhibaanka ahaana wasiirka beeraha iyo waraabka.

Sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xildhibaannada iyo mas’uuliyinta kale ee dowladda uga digay weerara Al-shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Xaafada kulmis ee lagu dilay wasiirka ahaana xildhibaan ka Tirsan baarlamaanka Hir shabeele ayaa baaritaan uu ka socdaa iyadoo ciidamd Amniga ay gacanta ku dhigeen Dad badan oo looga shakiyay dilka kuwaas oo baaritaan lagu haayo

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com