Madaxweyne Qoor Qoor oo sheegay in uu Furmay shirkii Dhuusamareeb3

Madaxweynaha maamul Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ,oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa shaaciyay in uu xalay si rasmiya u furmay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa sheegay in Furitaanka Shirka looga hadlay Arrimaha Doorashada soo socota ee Soomaaliya, islamarkaana ay dhinacyadu si guud isugu afgarteen Qodobkii laga wada-hadlay ee Hannaanka Doorashada.

Madaxweynaha Galmudug, wuxuu tilmaamay in Shirka ay ka maqan yihiin Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo sida uu sheegay xanuunsan iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku baaqay in Madaxda ka maqan Shirka ay ka soo qayb-galaan, wixii ay tabasho qabaanna Shirka ka sheegaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com