Biyo dhaamin laga bilaabay degaanada Abaarta ay ka jirto ee gobolka Gedo

Wararka Ka imaanaya Degmada Baladxaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in la bilaabay biya dhaamin loogu gurmanayo dadka xool dhaqatada ah ee ay abaarta saamaysay.

Iyadoo inta badan Gobalka Gedo ay ka jirto abaar baahsan taasi oo saamaysay dadka iyo duunyada ayaa waxaa maanta gudiga gurmadka abaaraha degmada Baladxaawo ay 17 booyadoodoo oo biya dhaamin waxa ay ka amba bixiyeen degmada Baladxaawo si loo bad baadiyo dadka iyo duunyada kudhaqan deegaanada miiga ee gobolka gedo kuwaasi oo kujiro xaalad bini aadan nimo.

Gudiga Gurmadka Abaaraha ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dadka muxsiniinta in ay usoo gurmadaan dadka reer guuraaga ah oo u dhimanayo haraad iyo gaajo kuwaasi oo u baahan gar gaar bini aadan nimo.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com