Taajirka Afrika Oo La Doonayo Inuu Isku Sharraxo Madaxtinimada Dalkiisa

Dhalinyaro ayaa ku boorisay Aliko Dangote, inuu isu sharaxo madaxtinimada dalka Nigeria.

Kooxda dhalinyarada ah oo kunool dalka Nigeria, katirsan baarlamaanka waqooyiga ee qeybta dhalinyarada.

Waxey ka dalbadeen ganacsadaha ugu qanisan Afrika, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo khubarada kale iney soo fara galiyaan doorashada madaxtinimada ee dhaceysa sanadka 2023-ka.

War qoraal ah oo ay soo saartey kooxda, oo uu maal galiyey xoghayaha guud Desmond Minakaro, ayaa sheegay sida hoggaamiyeyaasha Dangote, Femi Otedole iyo kuwa kale, iney suuragal tahay iney badalaan Madaxweynaha Nigeria.

Dhalinyaradani ayaa sheegay in ganacsatada taqaano sida loo xasiliyo macaash, ay tahay iney dalkani xukumaan.

Si kastaba ha ahaatee, Senator Shehu Sani, ayaa sheegay in uusan u arkin in Mr Dangote uu fara gelin ku sameeyo siyaasadda, uuna doonayo inuu ka sii shaqeeyo ganacsigeeda uu sida weyn uga hodmey.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com