Dhageyso: Shir Maalintii labaad ka socda Muqdisho & Siyaasi ka digay Muddo Kororsi

Musharrax Madaxweyne Koofur Galbeed ahna Siyaasi Xasan Yuusuf Macallin ( Black) ayaa ka hadlay shirka Wadatashiga ee ka Furmay Magaalada Muqdisho.

Mushrrax Madaxweyne Mudane Xasan Yuusuf Black ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada la filayo in shirka ka socda Muqdisho ay ka soo baxdo’ isaga ka digay in Muddo kororsi sharci darro laga hergeliyo dalka

Siyaasi Xasan Yuusuf Black ayaa sheegay in aysan marnaba Aqbali doonon oo ay yeeleyn muddo kororsi sharci darro loo horseedo umdda Soomaaliya.

Mudane Xasan Yuusuf Black ayaa ugu baqay Madaxweynaha Talada dalka haaya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka fogaado wax walba oo keeni kara Muddo kororsi iyo isku dhacyo siyaasadeed.

Hase ‘ahatee’ Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxdii hore Xilalka uga soo qabatay dalka waxana casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud .

Shirkaan ayaa looga hadlaya xaalada siyasadeed ee dalka iyo doarshooyinka la filayo in dalka ay ka qabsoomaan ee qof iyo cod.

Halkan Hoose ka dhageyso Waraysiga Siyaasi Xasan Yuusuf Black: