Gudoomiyaha Aqalka Sare oo soo dhaweeyay warmurtiyeedkii shirka Dhuusamareeb

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka Sare  Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayuu ku sheegay in uu si diirran u soo dhowaynayo Go’aannadii ka soo baxay Shirka, oo uu ku tilmaamay kuwa guul hordhac ah u noqon kara Heshiis wadajir ah, oo ay gaaraan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

War-saxaafadeedka, ayuu sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug, kaalinta ay ka qaateen qabsoomidda Shirka iyo sida ay ugu qanciyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada kale, in ay ka soo qayb-galaan Shirkaasi.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo in Nuxurka ka soo baxay Shirkaas uu horseed u noqdo, Heshiis wadajir ah oo Dalka lagu badbaadiyo, kaasi oo keena Nabad, Xasilooni iyo Hormar

War saxaafadeedka ka soo baxay Gudoomiyaha Aqalka sareayaa u qornaa sidaan: