Roob ka da’ay muqdisho oo saameyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka+Sawirro

Roob xooggan ayaa xalay ilaa iyo saakay ka da’ay Magaalada Muqdisho, Roobka ayaa saameeyn ku yeeshay  isku socodka Dadka iyo Gaadiidka isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo Dadka danyarta ah oo kunool guryo ka sameysan cooshado

Sidoo kale, Roobka ayaa biyo dhigay waddooyin magaalada Muqdisho Taas oo keentay in Jidadka qaar gogod ay noqdaan oo Gaadiidka aysan mari karin

wadada Makka Al-mukarrama ayaa kamid ah meelaha roobka uu saameeyay waxaa ka buux samay carao iyo dhagaxyo waxaana xaafadaha qaar magaalada muqdisho yaala biyo badan oo gaadiidkana  ay ku dhib qabaan marista waddooyinka

Sidoo kale xaafada Jamhuuriya ee Degmada Karaan ayay biyaha ka soo rogmaday roobabka saameyn ku yeesheen mana jirto ilaa hadda cid  wax ku noqotay Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho