Dhageyso:Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Aaska loo sameynaayo Marxuum Xasan Abshir

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka Tirsan Guddiga qaban qaabada aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax ra’iisul wasaarihii hore ee soomaaliya ayaa sheegay in ay soo saareen  habraaca aaska loo sameynayo marxuumka.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Maxamed Cabdi Xeyr Maareeye ayaa sheegay ka dib markii xalay uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali kheyre gudigooda ay bilaabeen kulamo ay kaga arin sanayaan Aaska Qaran ee loo sameynaayo marxuum Xasan Abshir Faarax

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadada Soomaaliya xasan Cali kheyre ayaa xalay magacaabay gudi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya Aaska loo sameynaayo Ra’iisal weasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday magaalada Ankara ee Dalka Turkiga