Wariye Cabdi Casiis Gurbiye oo mar kale looga yeeray Maxkamada gobolka Banaadir

Cabdi Casiis Gurbiye oo ka Tirsan Wariyayaasha Idaacadda Goobjoog ayaa maanta la filayaa in la soo Taago Maxkamada gobolka Banaadir

xeer ilaalinta qaranka ayaa Wariye Gurbiye  ku soo oogtay dacwado la xiriira warar aan xaqiiqo ahayn uu ku daabacay bartiisa face buugga ee la xiriira cudurka covid19

7dii bishaan  July  ayaa wariye Gurbiye la horgeeyay maxkamada waxaana Garsoorka maxkamada uu dib u dhigay Dhageysiga dacwada loo heysto Wariye Cabdi Casiis Gurbiye ka dib markii Qareenada U doodaya ay Is hor Istaag ku sameyeen wax yaabaha loo heysto Wariye Gurbiye waxaana xeer ilaaliye ku xigeenka Qaranka uu sheegay Eedeeynta wariyaha aanay shaqo ku lahyn Arimo saxaafadeed balse loo heysto wax yaabo kale oo ay ka mid yihiin warar uu bartiisa face buugga uu ku daabacay