Madaxweynaha Jubland oo daahfuray kulan wadareed

Madaxweynaha JMaamulka ubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa daahfuray kulanka Munaasabada Taaba hiigsiga dawlad goboleeddka Jubland oo lagu dardar galinayo shaqooyinka Wasaaradaha Dowlada.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shaqooyinka Wasaaradaha ay yihiin laf dhabarta Shaqooyinka dowlada taas oo hadii si hufan loo qabto wax weyn kusoo kordhinaysa hiigsiga Xukuumada ee fulinta adeegyada bulshada loo hayo.
Mudane Axmed Madoobe uu intaas ku daray in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii hormuudka Wasaaradaha dowladu ay xooga u saari lahayeen hufnaanta shaqada iyo ka mira dhalinta waxyaabaha hortabinta leh.
Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Machadka Juba Valley Institute ee kulankan soo qaban qaabiyay iyo aqoonyahanada intuu socdo casharada ka bixin doona isagoo hoosta ka xariiqay in kulankan uu fure u noqon doono dardar galinta shaqada shacabka loo hayo.