Ruushka oo xiriirka u jaray Isbahaysiga NATO.

MOSCOW:-Dowlada Ruushka ayaa ku dhawaaqday in xiriirka u jartay Isbahaysiga NATO.

Wasiirka Arimaha dibada Ruushka Sergei Lavrov oo la hadlay warbaahinta Reuters ayaa sheegay in tani jawaab u tahay kadib markii Isbaysiga NATO eryeen sideed ka mid ah diblomaasiyiinta Ruushka.

Lavrov ayaa sidoo kale sheegay in aqoosiga kala laaban doonaan shaqaalaha NATO ee ku sugan Caasimada dalkaasi ee Moscow.

NATO ayaa wali wax war ah ka soo saarin go,aanka Ruushka ee ah in ay xiriirka u jareen.

Arintaan ayaa imaanaysa xili isbuuc ka hor Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg uu warbaahinta u sheegay in xiriirka ka dhaxeeya NATO iyo Ruushka uu marayo halkii ugu hooseysay kadib dagaalkii Aduunka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay imaatinkiisa Norway gaar ahan Magaalada  Tromsø isaga oo kaga qeyb galaya shir heer wasiir ah oo ay yeelanayaan Golaha iskaashiga isaga oo kulan la qaadan doona wasiirka arimaha dibada cusub ee Norway Anniken Huitfeldt.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com