Maxaa ka jira In Taliye Xijaar uu maleegayay qorshe ka dhan ah Puntland?

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa dhowaan magaalada Buuhoodle ka samaystay xarun laga qoro dadka doonaya in ay ku biiraan Booliiska dowladda Federaalka.
Warbaahinta ayaa ogaatay , in Xarunta laga diiwaan-geliyay in ka badan 100 dhalinyaro ah oo isaga yimid magaalooyinka Buuhoodle iyo Laascaanood, si loogu tababaro Booliiska Soomaaliyeed.
Dhalinyaradaas oo loo sheegay in tababar loogu qaadayo Kulliyadda Ciidanka ee Carmo, ayaa qaarkood lagu xiray magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood, xilli ay si dhuumasho ah ku marayeen halkaas.
Sidoo kale, 27 kamid ah dhalinyaradaas oo gaaray Kulliyadda Carmo ayaa Puntland dib uga soo celisay, waxaana lagu amray in ay guryahooda ku laabtaan.
Sida la xaqiijiyay, mas’uuliyiinta Puntland ayaa shaki ka muujiyay sababta hal beel oo keliya looga qortay dhalinyaradaas haddii booliis loo tababarayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay Puntland iyo Somaliland uga qoratay dhalinyaro ka soo jeeda beelo kala duwan, islamarkaana ku biiray ciidamada Gorgor iyo Haramcad.