Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo dib u dhacay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay shirkii uu iclaamiyey ee amniga qaranka, kaas oo lagu waday in maanta uu qabsoomo.

Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa face bugga ku sheegay in dib ay ka soo sheegi doonaan xilliga la qabanayo shirka amniga qaranka ee Farmaajo iclaamiyey.

“Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo shalay oo ay taariikhda ahayd 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay, waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka madaxtooyada Cabdirashiid.

Hase ‘ yeeshee Shirkaan waxaa codsaday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taas oo lagu soo bandhigayo warxinta sidii loo dilay Ikraan Tahliil Faarax.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com