Puntland oo dhexdhexaadineysa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Rooble

Maamulka Puntland ayaa markii u horraysay sheegtay in Garoowe lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya labadaas mas’uul xallintoodu ku dhammaan doonto Magaalada Garoowe.

“Dastuur-jebin, horu-socod la’aan doorasho, khilaaf jiitama una dhexeeya madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday iyo Ra’iisul wasaare xil-gaarsiin ah waxay xaajadoodu ku dhammaataa loogana xalliyaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ee” ayuu yiri Qawdhan.

Sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada oo ku ballansan Shirka Garoowe ayuu ku yiri “soo dhowaada ayaan idin leenahay madaxda maaamuladow, hooyada Federaalku gacmo furan ayay idinla diyaar tahay doorasho ayayna rabtaa” ayuu hadalkiisa intaasi raaciyay

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com