Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Doorashada kuraasta ka harsan Aqalka sare oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Qaar ka mid ah kuraasta hartay ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ku matali doono Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalaa Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Dardar gelinta Doorashada Seddex kursi ee ka harsan xildhaanada Aqalka Sare ku matalaya ayaa socota magaalada uga qabsoontay degaanada dawlad goboleedyada , iyadoo laamaha amniga si feejigan u sugayaan amniga doorashada iyo guud ahaan magaalada Jowhar.

Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in doorashadu ay sii soconeyso, islamarkaana ka shaqeynayaan in si hufan oo xalaal ah ku dhacdo.

maamul Goboleedyadda dalka ayaa soo saaray xildhibaanada aqalka sare ku matali lahaa maamaladooda Dawlada Dhexe  taas oo ka dhigan in uu dhawaan soo dhamaan doonto doorashada Xildhibaanada Aqalka Saree ee baarlamaanka dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com