Dhageyso: Xubno ka tirsan Galmudug oo baaq ka soo saaray Colaada Xananbuure

Mas’uuliyiin ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Guddaha Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Xubno  kale ayaa ku baaqayin lajoojiyo xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa in Cod  si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo ka dhalatay dil loo geystay qof shacab ah, iyagoo si gaar ah uga dalbadey maamulka Galmudug in uu ciidamo soo celiya xasiloonida udiro Deegaankan.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa iyana ugu baaqey siyaasiyiinta labada dhinac in ay si deg deg ah u gaaraan deegaankan oo ay isisoo hor fariisiyaan odayaasha si xal loo gaaro.

Ugu dambeyn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna ku simaha wasiirka Axmed Xasan Cali Axmed Dheere ayaa ka hadlay muhiimada nabaddu u leedahay shacabka Xananbuure oo mudo lagu howlanaa heshiisiintooda.