Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee dalka, isagoo baaqyo kala duwan u jeediyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo hadalkiisa uu walaac badan ka muuqday ayaa sheegay in shacabka iyo maal-gashadayaasha Soomaaliyeed ay niyad-jab weyn ku abuurtay xaaladda siyaasadeed ee maanta dalka ka jirta.

“Waxaa kor soo martay cabsida ah in dalku galo xaalad aan la garaneyn meesha ay ku dhamaan doonto, Hooyo iyo Aabe kasta waxay bilaabeen inay ka fekeraan, mustaqbalkii ay caruurtooda u qorsheeyeen iyo waxa iska bedeli kara, ganacsade kasta hadda waxa uu ka walwalayaa maal-gashigii uu dalkiisa ku sameystay, shaki ayaa ku yimid rajadii wanaagsaneed ee mustaqbalka dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaaladaan ay abuureen hoggaamiyayaasha qaar oo ka gows adeygay fulinta wixii lagu heshiiyey, gaar ahaan maareynta doorashooyinka dalka, xilligaan kala guurka ah.

“Mudane Farmaajo hanoo sheegin Ra’iisul wasaaihii aad ku wareejisay amiga dalka waan kala noqday maanta, caqliga saliimka ah ma aqbali karo taas, shalay waxaad ceyrisay ra’iisul wasaarihii hore markii doorasho laga hadlay, taasi waxay muujineysaa in wax doorasho la yiraahdo aysan qorshaha kuugu jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in isaga iyo saaxiibadiis aysan Soomaaliya uga darin, hadii aysan dalkaan ka fikireyna ay ugu yaraan mustaqbalkooda ka fikiraan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com