Barakac ka bilaawday Xaafado ka tirsan Beledweyne

Wararka ka imaanayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in qaar kamid ah Shacabka Magaaladaas ay bilaabeen inay barakacaan.

Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxaa kamid ah laanta dhagax jibis ee Magaalada Beledweyne kadib markii u xalay ku fatahay Wabiga Shabeelle ee mara Magaaladaasi Beledweyne.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in meelaha qaar Wabiga uu aad u Biyo keenay,isla  markaana ay jirto cabsi weyn oo la xiriirto in uu fataho halka Xaafadaha qaar uu ka fatahay.

Shalay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ay u dirtay Wafdi Injineero ah,kuwaas oo qiimeyn ku sameynaya xaaladaha fatahaadaha iyo sidii dadaal loogu bixin lahaa ka hortegida fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com