Ciidamadda Kenya oo raaf ka bilaabay xaafada Islii ee Nairobi.

Nairobi : Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.

Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay argagixisanimada.

Hase yeeshee guddiga amniga Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beesaday sababo la xiriira inay si sharci-darro ah ku joogeen.

Kenya ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda, waxaana hawlgalo joogto ah laga sameeyaa gudaha dalkaasi.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com