Ciidamada Kenya oo ku dhuuntay cawska markii ay soo weerareen Alshabaab.

Nairobi,Wargeyska the New York Times ee kasoo dalka Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil milateri oo Mareykan ah ayaa wax ka qoray weerarkii toddobaadyo kahor ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

New York times ayaa kusoo warramay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay.

Wargeyska oo aan sheegin magacyada saraakiisha uu soo xigtay ayaa sheegay in markii ay Al Shabaab soo weerareen saldhigga ay ciidanka Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran muddo ku qaadatay in ay ka jawaabaan weerarka, maadaama ciidanka Kenya ee loogu talagalay in ay ilaaliyaan saldhigga ay ku dhuunteen cawska markii uu weerarka bilawday.

Askarta Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee ku sugnaa saldhigga oo xilliga uu weerarka dhacayay la sheegay in aysan ku baraarugsaneyn ayaa markii la weerarary saldhigga, wuxuu wargeyska sheegay in ay ku dhuunteen teendho xerada ku dhisneyd, waxaana ciidanka Mareykanka ay ku qaadatay saacado, si loo samata bixiyo dadka dhaawacmay, kuwaas oo markii dambe la geeyay saldhigga ciidanka Mareykanka ee dalka Jabuuti.

“Weerarka wuxuu tusinaya in habacsanaan dhanka ammaanka oo aad u daran ay jirto marka la eego saldhigga halka uu ku yaala oo ah xuduudda Soomaaliya,” ayuu yiri Murithi Mutiga, oo katirsan hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG.

Ciidanka Mareykanka ayu wargeyska sheegay in ay aad isugu haleynayeen ciidanka Kenya ee ilaalada ka ahaa xarunta, kuwaas oo uu sheegay in loo igmaday in ay ilaaliyaan saldhigga, maadaama ciidmaada Mareykanka ay halkaas ku yar yihiin.

“Ciidanka Kenya uma diyaarsana oo uma tababarno sida kuwa Mareykanka, wayna sahlan tahay in Al Shababa ay gudaha u galaan saldhigga marka uu weerar dhaco,” ayuu yiri Michael Waltz oo horay uga soo mid noqday ciidanka Mareykanka ee Afrika jooga.

Wargeyska ayaa sidoo kale soo wariyay in saraakiisha Mareykanka ay aad ula yaabeen ciidanka Kenya kadib markii ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen 6 kamid ah raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo markii dambe la ogaaday in ay ahaayeen dad goobjoogayaal kadibna lasii daayay.

Al Shababa ayaa weerarkaas ku burburiyay qalab milateri oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka iyo goob ay ciidanka ku keydsanayeen shidaalka, waxaana weerarkaas Mareykanka kasoo gaaray khasaaro malaayiin doolar ah.

Ciidanka KenyaLahaanshaha sawirkaNATION
Image captionAskari Kenyaan ah

Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah.

Saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Manda Bay ayaa waxaa ku sugan ciidan dhan 200 oo askari, kuwaaas oo isugu jira duuliyeyaal, askar milateri iyo shaqaale katirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka, waxaan halkaas ay tababar ku siiyaan ciidamada Kenya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Paul Njuguna oo ka hadlay warbixinta uu qoray wargeyska beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska.

“Waa wax lala yaabo halka ay warbixinta wargeyska ka timid iyo sababta loogu soo aadiyay xilligan oo aynu sugeyno gabagabada baritaanka ku aadan weerarka, xaqiiqda waxaan ka hadli karnaa marka lasoo dhameystiro warbixinta iyo sida ay wax u dhaceen”, ayuu yiri afhayeenka ciidanka Kenya oo la hadlay wargeyska the Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi.

Guddi isku dhaf ah ayaa loo saaray in ay kasoo warbixiyaan weerarka, kadib markii safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter iyo taliyaha ciidamada badda ee Kenya Jeneraal Levi Mghalu ay booqdeen saldhigga weerarka kadib.

Xigasho:BBC SOMALI.