Sidee maalinta qaranka 17-Mai looga xusay Norway..?.

17-Mai oo ah maalinta qaranka dalka Norway ayaa sanadkaani loo xusin si-ween, taasoo saameen xoogan ay ku yeelatay cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii 2-aad ee adduunka madhicin in 17-mai habacsanaan ku tumaado sida ay qortay wakaalada wararka Norway ee NTB.

Carruurta dhigato iskuulada ayaa socod dheer ku soomari jiray wadooyinka halboolaha u ah Magaalada Oslo oo ah caasimada wadanka Norway, iyagoona ugu danbeen isugu imaan jireen afaafka hore guriga Boqorka, halkaas oo ay salaan sharaf kaga qaataan boqorka iyo qoyskiisa.

Sanadkan madhicin wax socod ah oo ay sameeyeen ardayda dhigata iskuulada, waxaana guud ahaan wadanka laga dareemayay saameenta uu ku yeeshay maalinta qaranka Norway cudurka Covid-19.

Qaar ka mid ah ardayda dhameysay sanadkaan iskuulada ayaan wax kaweeydiiyay farqiga u dhaxeeya sanadkaan iyo sanadihii hore iyagoona sheegay in sanadkaan aysan ugu dabaal dagin sidii ay horay ugu dabaal dagi jireen weyneynta maalinta qaranka Norway.

Saadaalin hore loosameeyay ayaa lagu sheegay in kalabar sanadkaan dadka Norway guryahooda ay maalinta qaranka ku xusidoonaan.

Dad badan ayaa la’arakayay iyagoo 17-mai iskugu hambalyeeynayaan telefoonad iyo baraha bulshada, maadaama ay tahay maalinta qaranka oo ah maalin ku weyn quluubta dadka muwaadiniinta iyo qaxootiga magangalyada kahelay wadankaan.

W/Diyaariyey: Wariye  Salaad Xuseen Maxamuud (Daacad).