SAWIRRO:Wabiga Shabelle oo ku fatahay xaafado ka mid Beledweyne

Wararka aynu ka helayno magalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya Wabiga Shabeelle oo maalmihi la soo dhaafay waday biyo aad u fara badan in uu  maanta ku fatahay xaafado ka mid ah magalada Beledweyne.

Biyaha wabiga ayaa galay xaafadaha magaalada qaarkood, dad badan ayaana isaga barakacay guryahooda kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen halkaasi.

Dadaalo lagu doonayay in looga hortago fatahaada wabiga Shabelle oo ay iska kaashanayaan  Maamulka Hirshabelle iyo dowlada federaalka ayaa ka  socda gudaha magalada si looga baajiyo in ay khasaaro lixaad leh geysan.

Maamulka Hirshabeelle ayaa la gaarsiiyay lacago meelo kala duwan uga yimid kuwaas oo loogu talagalay inay kula tacaalaan fataahada wabiga Shabeelle mana jirto ilaa haatan waxqabad muuqda oo lacagahaasi lagu sameeyay.

 

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com