Farmaajo oo billaabay magac-dilka RW Rooble

Madaxweynaha Soomaaliya ee mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday 8 february 2021, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bilaabay olole lagu magacdilayo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble sida ay ilo xilkas ah u sheegeen Mustaqbal Media.

Talaabooyinka lagu magacdiyo Rooble ee uu ku dhaqaaqay xafiiska madaxweyne Farmaajo waxaa ka mid ah warqad ay soo diyaarisay villa Somalia 20 December 2021 oo lagu sheegay in guddiga doorashada uu joojiyay dhamaan howlaha doorashooyinka dalka.

Ugu yaraan 3 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka dalka ayaa siyaabo kale duwan ugu xaqiijiyay warbaahinta in warqada lagu sheegay in lagu joojiyay doorashooyinka  dalka ay soo qoreen saraakiil ka kala tirsan NISA iyo Villa Somalia oo ujeedkoodu ahaa in la carqaladeeda howlaha wada hadalka doorashooyinka ee Rooble u tagay magaaladda Baydhabo.

No description available.

Isla 20 December, Xafiiska madaxweynaha xilka ka dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka shaqeeyay in wasiirka 1aad ee xukumadda lagu eedeeyo in uu dhisanayo dhul danta guud oo uu leeyahay ciidanka Bada Soomaaliya.

Hadalkaas waxaa warbaahinta la wadaatagay taliyaha ciidanka Bada Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir, kaas oo uu muuqatay qorshe lagu magic-diyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyada oo hadalkaas xukumaddu ku tilmaantay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale talaabooyinka loo qaaday magac dilka Ra’iisul wasaare Rooble, waxaa ka mid ah warqad soo baxay 21 Decembar 2021, taas oo uu ku saxiixanyahay wasiirka difaaca Xasan Xuseen Xaaji oo lagu faray taliyaha ciidanka xoogga dalka in uu baaro eedaha loo jeediyay Ra’iisul wasaare Rooble.

No photo description available.

“Farmaajo iyo Fahad waa ay ka go’antahay in aysan dalkaan doorasho ka dhicin, waxa ay samaynayaan wax walba oo ay awoodaan si loo hakiyo doorashooyinka” sida Aragticusub u sheegay mid ka mid ah guddiga doorashooyinka oo diiday in aan xigano magaciisa sababo la xiriira arrintaan oo xasaasi ah owgeed.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxweynihii dowladii KMG eheyd ayaa maamuli waayey xasaraddii siyaasadeed iyo Khilaafkii kala dhexeeyey xukuumadda kaddib markii uu is casilayna RW Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa maareeyey illaa xad mashaakilkii siyaasadeed ee taagnaa isaga oo horseeday in doorasho kadhacday Jubuuti lagu doortay Shariif Sheekh Axmed.