Dalka Jarmalka wiil Soomaali ah oo looxiray gabar uu kufsi u geestay oo 18-jir ah.

Waxaa Magaalada München shalay lagu xiray Nin Soomaali ah oo 24 sano jir ah.
kaasi oo loo heysto kufsi inuu Gabar Ardayad ah oo Jaamacad dhigata da,deedanah lagusheegay 18 sano jir .
Dhacdadana waxaa lagu sheegay inay dhacday 27 November, waqti saq dhexe ah oo  ku beegneed 1:30 habeenimo sida ay qortay warbaahinta dalka Jarmalka.
Wiilka dhacdadaan loo xiray ayaa lasheegay in ay meel xadiiqo ah isku barteen,  gabadha kedibna uu usoo bandhigay inuu kaxeeyo oo uu qof ay rabtay u geeyo, sidaasna ay ku raacday, ugu danbeynna Buundada Wittelsbacher Brücke agteeda markii ay gaareen uu halkaasi ku kufsaday.
Baaritaan ay sameeyeen boliska dalka Jarmalka shalay ayaa  xabsiga loogu taxaabay  welina baaritaano kale iyo Maxkamad ayaa udhiman sida boliska uu shaaciyay.
Arintaan ayaa suurta gal noqon karta, balse dhanka kale mugdi badanna uu ku jiro qaabka ay booliska u maareyeen kiskaan lagusheegay kufsi.
Marar badan ayeey dhacday in wadamada yurub dad markoodi hore is ogolaa kadib maalo ay isku badasho arinkooda iskuday kufsi taas oo dad badan ay xabsi ku muteesteen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com