Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo inta badan khamiis walba la qabto.

Shirka ayaa todobaadkaan waxaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Gurmadka abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta u akhriyay qodobada ayaa sidoo kale sheegay diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Gurmadka abaaraha.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in jiitanka doorashooyin ka uu sameeyay, dhaqaalaha dalka, noloshii dadka, maalgashigii, deeqihii Caalamiga ahaa iyo Shaqadii caadiga ahaa ee dowladda.

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha amray in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay.