Dabley hubaysan oo nin Ganacsade Caawa ku dilay Muqdiso

Dabley hubaysan ayaa lagu soo waramayaa nin ganacsade ahaa inay ku toogteen Muqdisho, kadibna ay ka baxsadeen goobtii dilka ay ka gaysteen.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay wadada Isgoyska Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Xaawo Cabdi, halkaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen dableydii dilka gaysatay.

Ninka la dilay oo ahaa ganacsade Baabuurta iibkooda ka shaqeeya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cali Barqadle, illaa haddana lama oga sababta ka dambeysay dilkiisa.

Ciidamada Booliska oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan Baaritaano ku aadan dableydii dilka gaysatay.

Cali Barqadle oo ganacsade Baabuurta iibkooda ka shaqeeya ahaa, ayaanan la ogeyn illaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa, iyadoo wali aysan cidna sheegan masuuliyadda ninkaasi la dilay.

Inta badan dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa gaysta amniyaadka Ururka Al Shabaab oo lagu yaqaanaa dilalka gaadmada ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com